Cali Guudlaawe:”Laga Bilaabo maanta Deegaanka Biyo-Cadde waa degmo Buuxda”
Aug 04 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo booqasho ku tegey deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta ay tahay Biyacdde degmo buuxda.
Cali Guudlaawe Xuseen madaxweynaha Hirshabelle oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kumanaan ruux oo ku soo dhaweysay Biyo-Cadde hadal uu u jeediyay waxa uu ugaga dhawaaqay degmanimada Biyo Cadde isla markaana uu golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka horgeyn doono si ay u ansixiyaan faafinta rasmiga ahna ku soo saari doono.
“Maanta waxaad rabtaan ayaan aqaan laga bilaabo 4-ta August-2024 Biyo Cadde waa degmo buuxda.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe isagoo la hadlayay dadkii soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka reer Biyo Cadde inay midoobaan lana shaqeeyaan maamulka ka jira iyo maamulada mustaqbalka ay yeelan doonto.
“Ma horumari karto deegaan aan dadkiisa mideysnayn,maamulka jira halala shaqeeyo, maamulada iman doonana halala shaqeeyo.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu noqdo mas’uulkii ugu horeeyay ee shacabka Biyo Cadde weydiiya baahidooda.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo mas’uulkii ugu horeeyay ee tan iyo markii la soo degey magaaladan sanadkii 1957dii weydiiya waxa ay u baahan yihiin inaan noqdo”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in mashaariic kala gedisan laga hirgelin doono degmada Biyo Cadde.
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa muddo saddex toddobaad ah waxa ay kormeer ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan iyadoo degmooyinkaas uu madaxweyne Guudlaawe dhagax dhigey mashaariic cusub halka uu xarrigana ka jaray mashaariic laga hirgeliyay.