Cali Guudlaawe;”Wasiirka Howlaha Guud waxa uu xilka ku waayay Dayacaad shaqo”
Apr 28 (Jowhar)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabelle ayaa sheegay in xilkiisa uu ku waayay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Hirshabelle Jaamac Xuseen.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u sheegay golihiisa wasiirada inaan la aqbali doonin dayacaad shaqo.
“Ma aqbali doono dayacaad shaqo, dhismaha jidadka uu hirgelin waayey ayuu shaqaddiisa maalin ka hor ku waayey Wasiirka Howlaha Guud. Isla-xisaabtan adag ayaa keeno shaqo-hufan.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Xil ka qaadista Wasiirka Howlaha Guud ee Hirshabelle Jaamac Xuseen oo xilkaas hayay muddo dheer ayaa timid kadib markii shirkad lagu siiyay qandaraas inay dayactir ku sameyso wadooyinka magaalada Jowhar ay ku guuldareysatay,sababtayna in wadooyinkii hore u dhisnaa ay burburiso isla markaana uu hakad ku yimid howlaheeda kadib markii uu saameyn ku yeeshay weerarada ay Alshabaab ku soo qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Roobab ka da’ay magaalada Jowhar dhawaan ayaa sababay in ay biyo fariistaan wadooyinkii dayactirka lagu sameynayay iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidkana uu saameyn ku yeeshay.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhawaan u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Maxamuud Xasan Bariise oo hore u soo noqday duqa magaalada Jowhar.
Dhinaca kale kulankii golaha wasiirada ee maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Hirshabeelle Maxamed Kheyre.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdi ayaa faahfaafin ka bixiyey sida ay u socdaan mashaariicda sannadkan ee 2025.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa amray Wasiirka Caafimaadka baahinta Adeega Caafimaad iyo dardargelinta
Gunaanudkii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku baaqay in markale loo midoobo dagaalka argagixisada. Kulankan ayaa waxaa hab-raaca dhaarinta la marsiiyey Wasiirada Wasaaraddaha cusub ee Howlaha Guud iyo Tamarta iyo Biyaha.