Cali Jeyte oo wado abaabulka howlgal lagu xoreynayo galbeedka Hiiraan
Mar. 25 (Jowhar.com)-Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa Gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana Wadooyinka lasoo dhigay Ciidamo aad ufarabadan, si ay u sugaan amniga mas’uuliyiintan.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo Hormuud u ahaa Howlgaladii ka socday Gobolka ayaa hada wado Abaabulkii ugu dambeeyay Howlgalka wajigiisa Labaad oo lagu xureeynayo deegaanada Galbeedka Gobolka.
Mr.Jeyte ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiisha ciidamadda isagoo kala hadli doono istaraatijiyada dagaalka iyo diyaarinta ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka.
Si kastaba, wajigii koowaad ee howlgalkii ka dhanka ahaa Shabaab ayaa lagu xureeyay dhul balaaran, kaasoo sanado dheer ay maamuleysay kooxda, waxaana deegaanadaas wali ku sugan ciidamadda dowladda.