Canada oo dhageysatay taleefanada Shan sarkaal boolis Soomaali ah iyo qoysaskooda

Sep 29 (Jowhar)-Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada, gaar ahaan kuwa magaalada Ottawa ee caasimadda dalkaas, ayaa aad wax looga xumaado ku tilmaamay, kadib markii la sheegay in Shan sargaal oo Soomaali Canadiyaan  ah oo ka tirsan booliska Ottawa la dhageysanayay hadalladooda, islamarkaana lala socday dhaq-dhaqaaqooda iyaga iyo qoysaskooda.

Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida ee canada ayaa falkaasi ku sheegay handadaad iyo takoor lagula kacay saraakiishaas Soomaali canadianka ah.

Saraakiisha ayaa hadda dalbaday magdhow gaareysa 2.5 milyan oo dollar-ka Canada ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More