CC Warsame ” Hanjabaada madaxweynaha ee guryaha la isku weerarayo waa saansaan halisteeda leh”

Sep 25 (Jowhar)Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay hadalkii madaxweyne Xasan ee ahaa in hubka dhigis laga bilaabi doono magaalada Muqdisho oo siyaasiyiinta aan loo ogoleyn iney hub ku dhex heystaab guryahooda.

Xildhibaanka oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook ayaa saansaan halisteeda leh ku tilmaamay fariimaha hankabaadaha ee madaxweynaha kasoo dirayo masjidka madaxtooyada dhexdiisa.

“farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh” ayuu yiri xildhibaanka.

Mr. Warsame ayaa ficiladan ku sifeeyay iney sabab u yihiin waxyaabaha caqabadda ku ah dhismaha dowladda.

“Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxda ugu sareysa ee dalka ayuu u diray fariin ah iney ka waantoobaan ku tumashada dastuurka.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka xuquuqda muwaadinka, kana fogaadaan ficilka gurracan ee bulshada kala fogaynaya” ayuu hadalkiisa kusoo xiray xildhibaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More