Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay Horjooge Sare oo ka tirsan Shabaab
Aug 06 (Jowhar.com)-Howlgal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen Gobalka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo hadda ahaa horjoogaha uruuriya lacagaha baadda ah Khawaarijtu ugu yeeraan Sakada ee gobalka Galgaduud.
Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Khawaarijta ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aanan Khawaarijta laga xoreyn Guud ahaan Gobalkaas.
Horjoogahaan dhiigya cabka ah ayaa sidoo kale ka soo howlgalay gobalada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha Khawaarijta ee Axmed Diiriye
Hay’adaha Amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha Khawaarijta ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed.