Ciidamada dowladda oo fashiliyay qorshe Shabaab ay ku doonayeen iney kula wareegaan deegaanka Goofgaduud buureey
Aug. 03 (Jowhar.com)-Dagaal xooggan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dhexmaray Shabaab iyo ciidanka dowladda.
Weerarkan oo ay Shabaab soo qaadeen gelinkii danbe ee shalay ayaa soo gaaray xalay, iyadoo uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac, walow aan tirada rasmiga ah la shaacin.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen qorshaha Shabaab oo ahaa iney qabsadaan deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo.
Waa markii sadaxaad oo mudo 10 cisho gudahood ah ay kooxda Al-shabaab weerar xoogan ay ku qaado deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah goobaha istaraatiijiga ee laga ilaaliyo amniga guud ee magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya