Ciidamada dowladda oo shacabkii daganaa si qasab ah uga saaray dhulka wasaarada arrimaha gudaha
Jul 27 (Jowhar.com)-Wararkanka imanaya magaalada Muqdisho ataa sheegaya in Dadkii daganaa dhulkii Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya saakay laga rarayo halkaas oo ay muddo daganaayeen.
Dadka ayaa ku waaberiistay Ciidamada dowladda ka tirsan kuwaa oo xalay saq dhexe lagu daadiyey waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa xaruntii Wasaaradda arimaha gudaha ee ku taalla degmada Boondheere.
Dhamaan waxaa xiran waddooyinka ka ag dhaw sidoo kale waxaa la xanibay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka,waxaana gudaha ka socda burburin iyadoo dadkuna ay isku dayayaan inay alaabahooda ay goobtaas kala baxaan si ay uga badbaadaan waxyeelada burburinta.
Horay dowladda ayaa ugu dhawaaqday in dhulkaas oo ah dan guud ay dowladdu u baahantahay muhiimna ay tahay in laga guuro,saaka ayeyna dowladdu fulisay amarkii ay horay ugasoo saartay dhulkan.