Ciidamada Nabad Sugida oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabelaha Hoose

June. 21 (Jowhar.com)- War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada federalka ayaa lagu  sheegay in ay howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Nabadsugidda iyo saaxiibada caalamka ay ku dileen illaa afartan ka mid ah Maleeshiyaadka Alshabaab.

War Saxaafadeed ay soo saartay dowlada federalka ayaa lagu sheegay inhowlgalkan uu ka dhacay beer ku taal gobolka Shabelaha Hoose.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaala deegaankaas.”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowlada federalka.

“Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu diley howlgalka ay qorsheynayeen inay weeraro ka geystaan deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeedka ay soo saartay dowlada federalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More