Ciidamada Puntland oo la wareegay Turmasaale oo ay saldhig ku lahaayeen Daacish
Jan 24( Jowhar)-Ciidamada Puntland ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Turmasaale oo saldhig weyn ay ku lahaayeen kooxda Daacish.
Af-hayeenka Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxaha Daacish si buuxda looga saaray deegaanka Turmasaale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo u ahayd difaac adag.
“Dagaalkii maanta Argagixisada 13-baan uga dilnay annaga dhankeena laba sarkaal baa midna ku shahiiday midna dhaawac fudud yahay, haddii boqol naga dhimato iyo haddii kun dhintaanba anagu dalkayaga oo lagu soo duulay baan xoraysanayna taas hala ogaado” ayuu yiri Af-hayeenka Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed.
Hase yeeshee Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in dagaalka uu ku dhaawacmay Gen Fu’aad Xanaano iyo qaar kale oo ka mid ah ciidamada Puntland.
Dhaawaca General Xanaano ayaa la geeyay magaalada Boosaaso halkaas oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.