Ciidamada Ukraine oo burburiyay buundo ku taal gudaha Ruushka

Aug 16 (Jowhar)–Ciidamada Ukraine ayaa burburiyay buundo muhiim u ahayd ciidamada Ruushka oo dul marta wabiga Seym, ee dalka Ruushka.

Saraakiil Ruush ah ayaa xaqiijiyay in la burburiyay buundadan oo ay isticmaalayeen ciidamada Ruushka si ay ugu gudbiyaan sahayda ay u baahan yihiin ciidamadooda ku sugan gudaha dalka Ukraine.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay xoojinayaan fariisimaha ay ku leeyihiin Kursk oo ah gobol ka mid ah dalka Ruushka wuxuuna xusay in dhulka ay qabsadeen ay doonayaan inay ku bedeshaan dhulka ay ciidamada ruushka ka joogaan dalka Ukraine.
Ciidamada Ukraine oo si kedis ah gudaha ugu galay dalka Ruushka ayaa sababtay in dad ka badan 120,000 oo qof ay u carareen deegaanadoodii. Balse Maamulka Ukraine ayaa sheegay inaysan dooneyn inay sii haysato dhulka Ruushka.

“Ukrayn ma xiisaynayso qabsashada dhulalka Ruushka,” ayuu yiri kaaliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine Zelensky Jimcihii.
Mas’uuliyiinta gobolka Belgorod ee Ruushka ee xuduudka la leh Ukraine ayaa sheegay inay faarujin doonaan shan tuulo laga bilaabo Isniinta.

“Laga bilaabo 19-ka Agoosto, waxaan xiraynaa gelitaanka shan deegaan, anagoo ka saarayna dadka halkaas waxaana ka caawineynaa inay la soo baxaan hantidooda,”ayuu yiri guddoomiyaha Belgorod Vyacheslav Gladkov sida lagu daabacay Telegramka.

Dhinaca kale Xukuumada Moscow waxay sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen Serhiivka, oo ah kii ugu dambeeyay ee magaalooyin xiriir ah oo ay sheegtaan inay leeyihiin toddobaadyadii la soo dhaafay.

Horumarkii ugu dambeeyay ayaa Ruushka u keenaya inuu ku dhawaado magaalada Pokrovsk, oo ah xarun muhiim u ah saadka taasoo ku fadhida waddo weyn oo sahayda u ah ciidamada Ukraine ee ku teedsan dhanka bari.

Farriin ka timid madaxa maamulka militariga ee magaalada, Sergiy Dobryak, Khamiistii, ayaa dadka ku booriyay inay ka guuraan iyadoo ciidamada Ruushku halkaas ku sii siqayaan.

Ukraine ayaa dhawaan sheegtay in dhul ballaaran iyo magaalooyin ku yaal gudaha dalka Ruushka ay gacanta ku dhigtey sidoo kalana boqolaal ka tirsan ciidamada Ruushka ay ku qabteen howlgalo ay ka sameeyeen gudaha dalka Ruushka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More