Ciidamada Ukraine oo soo qabtay askar u dhalatay Kuuriyada Waqooyi
Jan 11 (Jowhar)-Ciidamada Ukraine ayaa ka soo qabtay gudaha dalka Ruushka gaar ahaan gobolka Kursk laba askari oo dhaawac ah oo u dhalatay Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in askartan maxaabiista dagaalka ah ay helayaan gargaar caafimaad laguna hayo haatan xabsi ku yaal magaalada Kyiv ee caasimada Ukraine.
Waaxda sirdoonka Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maxaabiistan la qabtay 9-kii Janaayo, lana siiyay dhammaan daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka u ah sida uu dhigayo heshiiska Geneva.
Sirdoonka ayaa sheegay in maxaabiista aysan ku hadlin luqadaha Yukreeniyaan, Ingiriisi ama Ruush, balse waxaa tarjubaan u ah saraakiil u dhalatay Kuuriyada Koofureed kuwaasoo ka tirsan ciidamada sirdoonka Kuuriyada Koofureed.
Waxa kale oo ay sheegeen sirdoonka in markii maxaabiista la qabtay mid ka mid ah askartaasi uu haystay kaarka aqoonsiga milatari ee Ruushka oo lagu soo qaatay magaca qof kale oo ka diiwaan gashan Jamhuuriyadda Tuva. Midka kalena uusan wadan wax dukumeenti ah.
Xafiiska Zelensky ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ruushku ay isku dayayaan in ay qariyaan xaqiiqada ah in askartani ay yihiin askarta Kuuriyada Waqooyi iyaga oo siinaya dukumentiyo ay ku sheegayaan in ay ka soo jeedaan Tuva ama dhulalka kale ee hoos yimaada Moscow.
Laakiin dadkani dhab ahaantii waa Kuuriyaan, waxay kasoo jeedaan Kuuriyada Waqooyi,ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.