Ciidamada Ukraine oo weerar dhulka iyo hawada ah ku qaaday Ruushka
Aug 09 (Jowhar.com)-Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha ahayn Ukraine gantaalo ku garaaceen gobolka Lipetsk ee dalka Ruushka.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, kaas oo waxyeello u geystay kaabayaasha tamarta waxaana uu sababay in laga daadgureeyo shacabkii degenaa deegano ka mid ah gobolkaas sida uu sheegay guddoomiyaha Lipetsk Igor Artamonov.
Duqeymahan la sheegay ayaa yimid ka dib markii Ruushka uu ku eedeeyay ciidamada Ukraine inay Arbacadii ka soo gudbeen xuduudka gobolka Kursk, taasoo noqonaysa duulaankii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka yimaada Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa markii ugu horeysay qiray weerarka, isagoo sheegay in Moscow ay dareemeyso cawaaqibka ka dhalan kara duulaankeeda arxan darada ah ee Ukraine.
“Ruushku wuxuu keenay dagaalka dhulkeena, waana inuu dareemo waxa uu sameeyay,” Zelensky ayaa ku daabacay boggiisa.
Ukraine ayaa sheegatay in ay duqeysay garoon diyaaradeed ku yaal gobolka, iyada oo burburisay bakhaar rasaas ah oo ay ku jireen in ka badan 700 oo bambaanooyin la hagayay, hawlgal wadajir ah oo ay ku lug lahaayeen ciidankeeda amniga iyo kuwa gaarka ah.
Ilaha ayaa sheegay in tobaneeyo diyaarado dagaal iyo kuwa qumaatiga u kaca ay ku sugnaayeen garoonka xiligaasi, waxaana la sheegay in qarax xoogan uu sababay in dab xoogan uu halkaasi ka kaco.
Wasaaradda degdega ah ee Lipetsk ayaa sidoo kale ka warbixisay dab ka kacay garoon diyaaradeed oo ku yaala gobolka.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Jimcihii in ay qabatay oo ay burburisay 75 nooca diyaaradaha Drones, oo ay ku jiraan 19 dul marayey Lipetsk, 26 oo dulmarayay Belgorod, 7 dul marayay Kursk, iyo dhowr kale oo ka dhacay gobollada Bryansk, Voronezh, iyo Orel.
Warbixintu waxay muujinaysaa in weerarrada Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka uusan ahayn mid joogsanaya.
Duullaanka toddobaadkan ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo cutubyo ka tirsan ciidammada Ukraine iyo kuwa gaarka ah ay gudaha u galaan dhulka Ruushka. .
Ujeedada, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine, ayaa qayb ka ah in ciidamada Ruushka laga weeciyo qaybaha kale ee hore ee bariga,oo lagu niyad jabiyo ciidamada Ruushka.
Saraakiisha Maraykanku ma rumaysna in Ukraine ay doonayso inay sii haysato dhulka Ruushka muddo dheer.
Afhayeenka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Peter Stanno ayaa Arbacadii sheegay in Ukraine “ay xaq u leedahay inay is difaacdo, oo ay ku jirto inay weerarto gardaro dhulkeeda.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Matthew Miller ayaa xoogaa af-duubnaa, isagoo sheegay in Ukraine ay tahay inay go’aansato xeeladaheeda.