Ciidamadda Amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay rag hubeysan iyo agab ay wateen

Dec 30  ( Jowhar) Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan.

Howlgalkan waxaa sidoo kale lagu soo qabtay 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, iyadoo howlgalkan laga sameeyay  xalay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir.

Habeenadii lasoo dhaafay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More