Ciidamadda amniga oo gacanta kusoo dhigay nin loo heysto dil ka dhacay Dharkiinley.

Dec. 20 (Jowhar.com)-Ciidamadda amaanka oo xalay howlgal balaaran ka sameeyay xaafadaha degmada Dharkiinleey ayaa ku guuleystay iney gacanta kusoo dhigaan nin looga shakisan yahay dil ka dhacay degmadaasi.

Ninka tuhmanaha ah ayaa loo heystaa dilka marxuum Axmed Faarax Kaariye oo ka shaqeynayey nootaayo ku taalla halkaasi, kaasoo rag hubeysan ay xalay dil u geysteen.

Ninka eedeysanaha ah ayaa lagu xiray saldhigga Galbeed ee degmada Dharkiinkeey, halkaasoo ay ka socoto baarista kiiskan iyo su’aalo weydiintiisa, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socdo loo gudbiyo xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Ciidamadda amaanka ayaa sidoo kale howlgalka kusoo qabtay rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, kuwaasoo lala xiriiriyay falal burcadnimo oo ka dhacay degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubey oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay raggan burcadda ah ayaa digniin adag u diray milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta, wuxuuna faray inay iska hubiyaan dadka ay ka kireynayaan mootooyinkooda

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More