Ciidamadda Cirka Itoobiya oo la sheegay iney duqeyn culus ka fuliyeen gobolka Sh.dhexe
Mar 05(Jowhar)-Warbaahinta maxaliga ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyay in Ciidamada Cirka Itoobiya ay fuliyeen mid ka mid ah duqeymihii cuslaa ee xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe, kaasoo lala bartilmaameesaday Argagixisada AS.
Muuqaalo laga soo qaaday deegaanka Daaru-nicma ayaa muujinayay gantaalo culus iyo qaraxyo waa weyn oo hillaaciisa meelo fog fog laga arkayay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan warkan ay shaaciyeen Warbaahinta Maxaliga Itoobiya ee Amhara News.