Ciidamadda DANAB iyo Gorgor oo isaga soo baxay degmada Galcad.

Jan. 21 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda ay isaga bexeen degmada Galcad, halkaasoo dhawaan Shabaab lagala wareegay.

Ciidamaddan oo ka koobnaa DANAB iyo Gorgor ayaa faarujiyay difaacyadii ay ku lahaayeen degmada Galcad, waxeyna dib ugu laabteen deegaanada Ceel bacad iyo Ceel Axmed.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in talaabadan ay ka danbeysay kadib amar kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa.

Lama oga sababta looga soo saaray ciidamadda deegaankaasi oo shalay lagu dilay taliye kuxigeenkii ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Shacabkii ku noolaaa magaaladaasi ayaa ka cabsi qaba iney Shabaab degmada dib ugu soo laabtaan, maadaama aaney jirin wax askar ah oo halkaasi ku sugan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More