Ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka oo weerar dhowr jiho ah ku galay deegaanka Geel-gub

Apr 09 (Jowhar) Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal qorshaysan kaga saaray deegaanka Geel-gub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka Shabaab.

Ciidamada ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Hawlgalka ayaa weli ka socda duleedka deegaankaas, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo awoodeeda ugu badan isugu geysay in Shabaab laga saaro gobolka Sh.dhexe ayaan wali ku guuleysan, iyadoo kooxda ay dhowr jeer weeraro khasaare culus dhaliyay ay kusoo qaaday ciidamadda isbaheyanaya.

Madaxweyne Xasan oo dhawaan saldhig ka sameystay degmada Cadale ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishi kadib markii Kooxda ay deegaano aan Cadale ka fogeyn qabsatay, askar badanna ku leysay halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More