Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho
Mar. 11 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo saaka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaasoo u dhexeeyay ciidamo boolis ah iyo koox hubeysan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda hubeysan ay weerar ku bilowday Bam gacmeed ku qaadeen fariisin ay ciidamadda booliska ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka loo yaqaano Baar Jowar, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo socday wax ka badan 30 daqiiqo.
Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalka oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, walo aan la heyn tirakoob sax ah, maadaama xaaladda ay wali tahay mid kacsan.
Dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee goobta iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqii ganacsi ee halkaasi ka jiray, waxaana goobta gaaray ciidan dheeraad ah oo gurmad ahaan u baxay, iyagoo wada howlgalo ay doonayaan iney kusoo qabtaan kooxdii weerarka geysatay oo baxsatay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fulineyso caasimada iyo beegsiga ciidamada, waxaana ugu dambeeyey weerar kan lamid ah oo ay todobaadkii hore ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin isgoyska KPP.