Ciidamadda dowladda oo la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug
Jan. 16 (Jowhar.com)-Ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere ee Koofurta gobolka Mudug, halkaasoo mudo sanada ah ay maamuleysay.
Sida wararku sheegayaan, ciidamadan isbaheysanaya ayaa dagaal la’aan kula wareegay magaalada, iyagoo haatan halkaasi ka wada howlgalo Miino baaris ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaasir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay qabsadeen degmada, ma uusan bixinin faah faahin intaasi ka dheeri ah.
Shabaabkii ku sugnaa magaalada ayaa la soo sheegayaa iney u baxsadeen duleedyada degmada, iyagoo hore usii kaxeystay shacabkii Xarardheere, waxeyna doonayaan iney gaashaan uga dhigtaan duqeymaha diyaaradaha dagaalka.