Ciidamadda dowladda oo laba qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho
Apr 21(Jowhar)-Ciidamo howlgal wadajir ah xalay ka fulinayay xaafadaha degmada Deyniile ayaaa toogasho u geystay laba dhalinyaro shacab ah, kuwaasoo watay Mootada labada lugood leh ee Fikon-ta.
Ciidamadda toogashada geystay oo boolis iyo Boolis Mikataar isugu jiray ayaa rasaas ooda ugaga qaaday Mootada oo kusoo dhacday goob baaritaano ay ka socdeeb, iyadoo rasaasta sidoo kale dhaawac daran uu kasoo gaaray haweeney daba socotay caruur kuweeda ah oo howlgalka lagu soo qabtay.
Taliyaha Ciidanka Haramcad Col.Fanax oo falkan kadib ku baxay goobta dilka uu kasoo dhacay ayaa soo xiray askartii dilka ka danbeyay iyo taliyihio taagnaa xiliga uu meesha falka ka dhacayay.
Ehelada labada Wiil ee la dilay ayaa laamaha amaanka ee dowladda ka dalbaday iney cadaalada horkeenaan danbiilayaasha.