Ciidamadda dowladda oo Shabaab kala wareegay degmada Ceeldheer

Jan. 17 (Jowhar.com)-Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo sanado badan ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Qabashada Ceeldheer ayaa waxaa xaqiijiyey wasiirka gaashnaadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen ciidamada.

Waa magaaladii saddexaad oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug oo ay ciidanka dowladda ka qabsadaan Al-Shabaab muddo laba maalin gudahood ah.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale shalay qabsaday magaalooyinka Galcad iyo Xarardheere oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhallinyarada weli ku jirta Al-Shabaab ugu baaqay inay kasoo baxaan kooxda

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More