Ciidamadda Israel iyo kuwa Xamaas oo dagaal culus ku dhexmaray Waqooyiga Gaza

Oct 10 (Jowhar)-Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza.

Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib.

Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More