Ciidamadda Jubaland oo Kismaayo ku qabtay xubin ka tirsan Shabaab oo qaraxyo geystay

Mar. 01 (Jowhar.com)-Warar dheerad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ciidamadda Jubaland ay ka saneeyeen xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kisnaayo, iyagoo kusoo qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Bashiir Nuur Bashiir oo ah ninka ay soo bandhigeen ciidamadda ayaa ah wiil da’ yar, isagoo u sheegay ciidamadda inuu tababar kusoo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, wuxuuna Kismaayo ka sameeyay markuu yimid shaqooyinka Dhismaha iyo Xamaalka oo uu gaari gacan ku shaqeystay.

“Anigoo guriga jooga oo taleefan ku hadlaaya ayaan hurday, bistoolad ayaa i ag taalay, mid Shabaab igala tirsan ayaa isoo wacay oo ii sheegay in guriga ciidan u soo socdaan, wuxuu i yiri bistoolada iska fogey, meel ayaan ku qariyey kidibna ciidan ayaa ii soo galay, sidaas ayaana la igu soo qabtay,” ayuu yiri Bashiir Nuur oo Shabaab ka tirsan.

Eedaha loo heysto ee uu qirtay waxaa kamid ah inuu Bam ku tuuray Hotel Cascasey oo Kismaayo ku yaalla, walow aanu wax khasarae ah ka dhalan, wuxuuna laamaha amaanka ka dalbaday iney cafis u fidiyaan, maadaama lacago lagu khalday sida uu yiri.

“Qof la qalday kaligey uma horeyn, kuwo kale oo la lumiyey ayaa buuxa dad kale ayaa soo socda, waxa ugu badan ee dadka lagu luminaayo waa lacag iyo balaayo laguu akhrinaayo, hadii ay dowladu i cafineyso iyo hadey I dileyso, maanta gacanteeda ayaan ku jiraa,” ayuu yiri wiilkaan Shabaabnimada qirtay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More