Ciidamadda Somaliland oo xalay dil ka geystay Laascaanood iyo ganacsigii oo xiran.
Dec. 29 (Jowhar.com)-Ciidamadda Somaliland ayaa xalay magaalada Laascaanood waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray C/shakuur Jimcaale.
Wararka ayaa tilmaamaya in wiilkan dhalinyarada ahaa oo kamid ahaa dadka maalmihii la soo dhaafay dibadbaxyada ka waday xarunta gobolka Sool ay toogasho ku dileen ciidanka Somaliland, isagoo noqonaya qofkii 3aad ee todobaadkan ciidamadda ay halkaasi ku dileen.
Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka ah mid dagan, waxaana magaalada isaga cararay ciidankii Somaliland, iyagoo u dulqaadan waayay diidmada ay dadka kala hortageen ciidanka, iyagoo dhagax tuur kaga saaray magaalada.
Suuqyadii magaalada ayaa saaka ah kuwo xiran, iyadoo sawirran la soo qaaday ay muujinayaan goobihii ganacsiga ee magaalada oo xiran, waxaana maanta lagu wadaa inuu sii socdo dibadbaxa.
Dadka magaalada ayaa ka carooday dilalka haldoorka magaalada loo geysanayo, wuxuuna dinadbaxan u sambeeyay la dhashay nin kamid ahaa xisbiga Wadani oo saddex habeen kahor lagu dilay Laascaanood, kaasoo aan cidi loo soo qaban toogashadiisa