Ciidamadda Xoogga dalka oo weeraray xubno Shabaab ah oo si dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Aboorey
Apr 08 (Jowhar) Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal culus waxa ay ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Sida wararku tilmaamayaan, ciidammada ayaa gebi ahaanba ka saaray Maleeshiyaadkii Khawaarijta deegaankaasi Aboorey. Ciidammada ayaa hada sii baacsanaya firxadka Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee dagaalka looga saaray aagaasi.
Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab waxaa ku socda hawlgal saf ballaaran ayadoo lagu hayo weerarro joogto ah waxaana hawlgalladii ugu dambeeyey ay ka socdaan nawaaxiga degmada Runirgood, deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed oo gobolka Shabeelada Dhexe ka tirsan iyo deegaanno dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Dhammaan hawlgallada iyo weeraradaasi waxaa jab xooggan lagu gaarsiiyey Maleeshiyaadka Khawaarijta .