Ciidamadii ugu horeeyay ee lagu soo tababaray Eritrea oo soo gaaray Miqdisho.

Dec. 21 (Jowhar.com)-Diyaaraddii u horreysay oo sida ciidankii Eritrea lagu soo tababaray ayaa goordhow ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay iney soo dhaweeyeen askartan oo sanadihii la soo dhaafay tababar ugu maqnaa wadanka Eritrea.

Wararka qaar ayaa sheegaya in akarta maanta soo dagatay ay gaarayaan ilaa 400 askari, waxeyna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamadda maqan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Mareykanka ka sheegay in dhamaan ciidamadda ku maqan Eritrea ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ugu dambeyn bisha January ee sanadka cusu ee 2023.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More