Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay gobolka Hiiraan

Aug 29(Jowhar) Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ay isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen duleedka magaalada Beledweyne.
Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa muddo dheer saldhig ku lahaa duleedka magaalada Beledweyne waxaana la sheegay inay ka gudbeen xadka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan Feer Feer.

Lama oga ciidamadan ka baxay duleedka magaalada Beledweyne inay ahaayeen ciidamo ka tirsan ATMIS iyo inay ahaayeen ciidamo aan ka mid ahayn.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsanaa ATMIS ayaa hore ugaga baxay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyadooo halkaasi la geeyay ciidamo milatari Soomaali ah.

Ka bixitaanka ciidamadan ayaa ku soo beegmay xilli shalay war ka soo baxay dowlada Itoobiya ay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) una guuri doona howlgal cusub oo taageero nabadeed, taasoo muujineysa sida ay sheegtay Ethiopia, khatarta ka dhalan karta xasilloonida gobolka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More