Ciidamo kaga dhawaaqay afgambi dalka Niger
July. 27 (Jowhar.com)-Ciidamada dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishanka qaranka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi. Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.
Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.Qaar kamid ah waddamada beesha caalamka ayaa dhaleeceeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.
Madaxweyne Bazoum ayaa ah xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Galbeedka Afrika.
Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha jihaad doonka ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.
Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum ayaa soo saaray fariin diidmo ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kadib markii ay askartu ku dhawaaqeen in habeen hore inqilaab uu ka dhacay wadanka ku yaala galbeedka Afrika.
Dhibaatadu waxay bilaabatay subaxnimadii Arbacada markii ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ay kaxeysteen.
Wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa sheegay in la wareegitaanka ciidamada aysan taageero ka heysan ciidamada oo dhan, balse taliyaha ciidamada ayaa hadda sheegay inuu taageersan yahay ciidamada milateriga.
Mr Bazoum ayaa ah saaxiibka muhiimka ah ee reer galbeedka ee dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.Maraykanka iyo Faransiiska ayaa labaduba saldhigyo ciidan ku leh waddanka qaniga ku ah Yuraaniyaamka – waxayna cambaareeyeen afgambiga.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u yeedhay Mr Bazoum isagoo u balan qaaday Washington “taageerada hagar la’aanta ah” Qaramada Midoobayna waxay ku baaqday in madaxweynaha si degdeg ah loo sii daayo.
64-jirkan oo laba sano ka hor loo doortay madaxweynaha Niger ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay subaxnimadii Khamiista isagoo yiri: “Guulaha adag ee lagu guuleystay waa la ilaalin doonaa, dhammaan dadka Niger ee jecel dimuqraadiyadda iyo xorriyadda way arki doonaan.”
Magaalada caasimadda ah ee Niamey ayaa hadda ah mid cidlo ah, balse tani waxay sabab u tahay in subaxnimadii oo dhan uu da’ayo roob xooggan.
Xataa socod ay qorsheeyeen kuwa taageersan la wareegidda ma dhicin roobabkii da’ay awgeed.Laakiin dadka Niger ayaa aad ugu kala qaybsan sida ay wax u dhaceen.