Ciidamo kale oo ka tirsan Jubbaland oo u goostay dhanka ciidanka dowladda ee Raaskambooni
Dec 01 ( Jowhar)Muuqaal lagu Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa muujinaya ciidamo saaran ilaa afar doonyood oo lagu sheegay inay ka mid yihiin kuwa Jubaland oo ku soo biiray ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Raaskambooni.
Nin isku sheegay inuu hoggaaminayay ciidamada oo aan magiciisa shaacin oo ka hadlayay Telefishinka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku soo biiran ciidamada dowladda.
”Anaga ayaa garanay inaan la shaqeynayo ciidamada dowladda ee ma jirto cid lacag nagu siiyay ama na soo wacday oo arrintan nagala hadashay waxaana hadda nagu kallifay inaan tallaabadan qaadno in muddadii 20-ka sano ka badnayd ee amniga ka shaqeynayay aanan helin wax taageero ah dhan walba ha ahaateeo xagga badda naga taagan tahay, dhinaca kalena Al-Shabaab.” ayuu yiri.”
Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.