Ciidanka dowladda iyo Macwuusley oo jab xooggan gaarsiiyay Shabaabka ku sugan Bariga Hiiraan
Feb 07(Jowhar)Ciidanka deegaanka ee Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka ayaa mar kale saaka cashar u dhigay Argagixisada Shabaa , kaddib dagaal culus oo illaa hadda ka socda inta u dhaxeysa deegaanka Beer-yabaal iyo Jicibow ee Bariga Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare lixaad leh Argagixisada loo geystay, labo xubnood maxaabiis ahaan looga qabtay.
Howlgalka dib uga billowday bariga Gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka.