Ciidanka Haramcad oo weeraray saldhig Shabaab ay ku leeyihiin duleedka Muqdisho

Mar. 24 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo xalay duleedka degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidanka Haramcad ay weerareen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen halka loo yaqaano beerta Cali Mahdi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isu adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad goob joogayaal ah ahaa sheegay inuu jiro khasaare culus oo ka dhashay dagaalka, walow aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah, maadaama,xiliga weerarka dhacay ay eheyd xili habeen ah salaadii cishaha kadib.

War kasoo baxay taliska ciidanka Haramcad ayaa lagu sheegay iney la wareegay saldhigii Shabaab, ayna khasaare xooggan ku gaarsiiyeen dagaalka oo ay dhowr jiho uga qaadeen.

Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Deyniile waxaa Shabaab ugu yaalo saldhigyo ay ka abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo maxkamado ay ugu yeeraan dadka reer Muqdisho si gaar ah ganacsatada ay lacagaha ka doonayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More