Ciidanka NISA ee garoonka Muqdisho oo xildhibaan Sareedo u diiday iney u safarto Baydhabo
Sep 19 (Jowhar) Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka tiraan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka laga reebay diyaarad ay u raaci rabtay magaalada Baydhabo oo hada xarun KMG u ah maamulka Koofur Galbeee.
Xildhibaanada oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ciidanka Nabad Sugida ee ku sugan garoonka ay u sheegeen ineysan u safri karin magaalada Baydhabo, taasoo ay sharci darro ku tilmaamtay.
“Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.
Arrintan ayaa la xiriirtay khikaafka Villa Soomalaiya iyo maamulka Koofur Galbeed oo gaaray heerkii ugu sareysay, waxaana arrintan laga cabsi qabaa iney colaad hor leh abuurto.