Ciidanka Suudaan oo burburiyay gaadiidkii dagaal ee RSF ay ku heysteen madaxtooyada

Mar 19( Jowhar)-Ciidanka dalka Suudaan ayaa bur buriyey dhammaanba gaadiidkii dagaal ee ay haysteen kooxda RSF ee ku sugnayd magaalada Khartuum gaar ahaanna aqalka Madaxtooyada oo kooxdan gacanta ugu jirey.

Duqyaymo iyo dagaal culus oo ciidanku qaadeen ayaa ku soo dhammaaday in la jebiyey difaacii kooxdan iyada oo la gubay hubkii ay ku dagaallamayeen.

Sidoo kale ciidanku waxay ka hor tageen askar ka tirsan kuwa RSF oo doonayey in ay ka baxsadaan saldhigoodii magaalada Khartuum sida ay Warbaahinta u sheegeen.

Ciidanka Suudaan ee dawladda ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqaan in gebi ahaanba ay la wareegeen aqalkii Madaxtooyada iyo meelihii kale ee ku hadhsansaa gacanta kooxda RSF taas oo halkaas ku sugnayd tan iyo sannadkii 2023-kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More