Daacish oo sheegatay mas’uuliyada weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Nigeria
Apr 22(Jowhar) Ururka Daacish ee Galbeedka Afrika ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo lagu dilay ciidamada ammaanka Nigeria iyo sidoo kale dad rayid ah oo Masiixiyiin ah oo ka dhacay gobollada waqooyi bari ee Nigeria horaantii bishan.
Toddoba farriimood oo lagu daabacay wakaaladeeda wararka ee “Amaq”, kooxdu waxay sheegatay inay fulisay hawlgalladan, iyadoo ku xoojisay sheegashadeeda muuqaal muujinaya mid ka mid ah weerarrada.
Weerarka oo ka dhacay gobolka Borno ayaa lala beegsaday xero ay ciidamada Nigeria ku leeyihiin magaalada Yamtage, halkaasoo ay kooxdu sheegtay inay ku dishay saddex askari ayna gubeen xerada.
ISWAP ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahanadooda ay gacanta ku dhigeen oo ay dileen afar ka mid ah maleeshiyaadka dowladda taabacsan ee isku magacaabay ciidamada Nigeria ee ku sugan isla gobolka.
Gobolka Adamawa, kooxdu waxay sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay tuulada Banga, oo ay ku noolyihiin bulsho Masiixiyiin ah.
Weerarkii ugu horreeyay oo dhacay 15-kii Abriil, ayaa sababay dhimashada laba qof oo Masiixiyiin ah, waxaana lagu gubay in ka badan 30 guri iyo kaniisad, “Amaq” ayaa daabacday sawirrada weerarkaS.
Weerarkii labaad ee ka dhacay Banga, 16-kii ABril, ayaa lala beegsaday askar ka tirsan Booliska Nigeria oo ku sugnaa tuulada, waxaana lagu burburiyay gaari, laguna dhaawacay dhowr askari.
Waxa kale oo la baahiyay sawirro muujinaya weerarkii lagu qaaday tuulada Lareh ee Adamawa, kaas oo guryo Kiristaan ah iyo kaniisad lagu gubay.
Dagaalyahanada Boko Haram iyo ISWAP ayaa ka howlgala waqooyi bari Nigeria, iyagoo bartilmaameedsada ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah, iyagoo dilay ama barakiciyey kumannaan qof.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay burburin doonto kooxahan, ayna kordhin doonto miisaaniyada difaaca ee sanadkan in ka badan 40%.