Dabageed iyo Sufurow oo kulan albaabada u xiran yihiin la leh Odayaasha Hiiraan
Jun. 19 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageee iyo Guddoomiyaha Magacaaban ee Gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa kulan albaabada uu u xiranyahay la leh odayaasha dhaqanka gobolkaasi.
Sida wararku sheegayaan, kulamadan ayaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadda ee Gobolka ka taagan.
Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale u yeeray saxaafadda oo hadda dibad joog ka ah kulanka, waxaana lagu wadaa in daqiiqado kadib uu shir jaraa’id qabto, iyada oo lagu wado in uu taageero go’aankii xil ka qaadista Cali Jeyte.
Kulankaasi wixii kasoo baxa halkan ayaad kala socon doontaan.