Dadaalo loogu gurmanayo ganacsato ku hanti beeshay dab ka kacay suuqa Jowhar oo bilowday

Aug 14 (Jowhar)–Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir guddoomiyay kulan loogaga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa ganacsatadii iyo dadkii ku hantibeelay dab qabsaday suuqa ugu weyn ee magaalada Jowhar.
Shirkan waxaa ka soo qeygalay Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa,guddoomiyaha Hay’addaha Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobalka, Golaha Deegaanka Degmada Jowhar iyo qaar ka mid ah ganacsatadii hantidooda ku waayay dabka qabsaday suuqa magaalada Jowhar.

Shirkaan ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Guddaha, Ganacsiga, Gargaarka iyo Sidoo kale Guddiga Ganacsatada magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Hay’addaha Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa goobta ka sheegay sababta ay u yimaadeen inay tahay uruurinta xogta masiibadii dhacday iyo qaabka loo sameyn lahaa gurmad loo dhan yahay.

“Dowlada Dhexe,goliha wasiirada dowlada federalka iyo hay’adaha caalamiga ayaan dib ugula laaban doonaa sidii wax loogu qaban lahaa dadkii waxyeelada ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa Hantiwadaag.”ayuu yiri Maxamuud Macalin Cabdulle, guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada federalka iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo caawin lahaa dadkii ay khasaaraha ka soo gaartay dabkii ka kacay suuqa Hantiwadaag.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay hay’adaha isgaarsiinta dalka sida Hormuud telecom iyo Dahabshiil inay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa ganacsatadii waxyeelada ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa Hantiwadaag.

“Waa ceyr oo banaanka ayay joogaan waxaan u guntanay sidii gurmad deg deg ah ay u heli lahaayeen ganacsatada suuqa Hanti-wadaag ee ku hanti beelay masiibadii dhacday. SoDMA iyo anaga wadajir ayaan u dalbaneynaa in la gurmado, dhibaatada waa mid weyn.”ayuu yiri

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)
Dab ka kacay bartamaha suuqa ugu weyn magaalada Jowhar Axadii aynu ka soo gudubnay ayaa baabi’iyay goobo ganacsi iyadoo ay ku hanti beeleen illaa 500 oo ganacsato ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More