Dagaal culus oo ka socdo Laascaanood iyo madaafiic lagu garaacayo magaalada

Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC

Mar. 31 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaga inuu dib u qarxay dagaalkii u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dagaal culus uu ka socda labo jiho oo kamid ah kuwa ay isku horfadhiyaan ciidamada deegaanka & Somaliland ee ku dagaalamaya Laascaanood.

Dagaalka kahor, Somaliland ayaa bilowday iney madaafiic kusoo garaacdo magaalada, iyadoo xooga saaraysa sidii ay meelmar uga dhigi lahayd damaceeda ah in ay qabsato magaalada Laascaanood.

Hubka culus ee au adeegsaneyso Somaliland ayaa laga maqlayaa barriga magaalada iyo buuraha ku teedsan.

26-kii bishan iyo shalay-ba Somaliland ayaa cadeysay in ay weerar tahay oo ay soo afjarayso waxa ay ugu yeertay Huwan kusoo duulay Somaliland, ayna dib gacanteeda ugu soo ceshanayso magaalada Laascaanood.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay, dhalinyaro cusub oo hadda loo qoray ciidamada iyo kuwa soo ajiibay dalabkii Madaxweyne Biixi iyo Taliyaha qeybta 12aad Faysal Cabdi Bootaan ee ahaa in lagarab istaago ciidamada ayaa la keenay goobaha dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More