Dagaal xooggan oo ka qarxay Garoowe, xili baarlamaanka u fadhiyeen furista dastuurka
Jun. 20 (Jowhar.com)-Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo askar kale oo taabacsan mucaaradka ayaa ka qarxay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramaya iney maqlayaan rasaas culus, iyadoo shacabka ay ku kala carareen aagga uu dagaalkan ka socdo.
Isku-dhacan ayaa kusoo beegmaya daqiiqado kadib markii Xildhibaanadda baarlamaanka ay ogolaadeen in laga doodo furista dastuurka.
Mucaaradka dagaalamaya ayaa diidan in la furo dastuurka, iyagoo u arka arrintaasi mid xukunka loogu sii dheereenayo madaxweyne Deni oo xafiiska uga harsan tahay 6 bilood.
Xaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawcaba leh oo labada dhinac ku kala gaaray dagaalkan.