Dalxiisayaal saarnaa gujis la la’aa oo la xaqiijiyay inay geeriyoodeen

June. 22 (Jowhar.com) Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa goor dhaw shaaciyay in la rumeysan yahay inay dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa markabkii gunjiska ahaa ee ay la socdeen dalxiisayaashii maalqabeenka ah oo maalmihii ugu dambeeyay la baadi goobayay.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ilaalada Xeebaha Mareykanka iyo dhammaan taliska mideysan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska,” ayuu yiri Admiral John Mauger .

Shirkadda OceanGate oo iska lahayd markabkii ay dalxiisayaasha saarnaayeen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay rumeysan yihiin in dhammaan shantii qof ee saarneyd ay dhinteen. Markabkan ayaa la waayay Axaddii islamarkana waxaa tan iyo xilligaasi lagu jiray baadigoobkiisa.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in meel u dhow burburka markabka Titanic laga helay burburka gujiska subaxnimadii Khamiista.

Ragga la socday gujiska oo doonayay inay soo daawadaan burburka markabkii Titanic ayaa waxaa ka mid ahaa Stockton Rush, oo ah 61-jir madaxa shirkadda OceanGate kaasoo kaxaynayay gujiska,ganacsade British-Pakistan ah Shahzada Dawood, 48, iyo wiilkiisa Suleman, 19jir ahaa, iyo ganacsade British ah oo lagu magacaabo Hamish Harding, 58.

Ninka shanaad ee la socday, Paul-Henry Nargeolet, waxa uu ahaa 77 jir hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Faransiiska ahaana sahamiye caan ah.

Burburka Markabka Titanic, ee degay 1912-kii markii uu ku jiiray buur baraf ah,kuna dhinteen in ka badan 1,500 oo qof oo ahaa dadkii saarnaa, waxa uu yaal ayaa qiyaastii 900 mayl (1,450 km) bari ka xigta Cape Cod, Massachusetts, iyo 400 mayl (640 km) koonfurta St. John’s. Newfoundland.

Shirkad lagu magacaabo OceanGate ayaa sameysay gujisyo dadka ay ku soo arki karaan markabkan tan iyo sanadkii 2021kii,waxaana qof walba oo gujiska raaca laga qaadayay lacag gaareysa $250,000 qofkiiba, sida lagu sheegay website-ka OceanGate.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More