Darawal waday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo la toogtay

Aug. 10 (Jowhar.com)-Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo loo soo waday magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sidoo kale toogtay ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ,kaddib markii uu isku dayay in uu ciidamada ammaanka ka baxsado.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in ciidamada heleen xogta gaarigan qaraxyada laga soo buuxiyay kaasoo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxyada is-miidaaminta ah ee loo adeegsado gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday kadib markii ciidamo badan la dhigey wadooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More