Darawalka gudoomiyihii golaha shacabka oo ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Dec. 21 (Jowhar.com)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in darawalka gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu ku biiray kooxda Al-Shabaab, isagoo isaga cararay magaalada Muqdisho.

Maxamed Mursal oo xaqiijiyay jiritaanka warkaasi ayaa tilmaamay in mudo 4 sano ah uu darawal u ahaa, isagoo ka soo raacay Wasaarada Gaashaandhigga xiligii uu Maxamed Mursal wasiirka ka ahaa.

“Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya, Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay VOA.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in darawalka oo lagu magacaabo Xuseen Maxamuud Xasan uu soo galay raadka weerarkii kooxda Shabaab ay ku galeen hoteelka Villa Rays ee ku yaala aagga madaxtooyada, waxaana xabsiga la dhigay dad ay si dhaw isu yaqaaneen.

Gudoomiyihii golaha shacabka baarlamaankii 10aad Maxamed Mursal ayaa sheegay in laba maalin kahor uu ku sugnaa gurigiisa, iyadoo markii la waayayna ay ku war galiyeen hay’adaha amniga sidii baadi goob iyo dabagal loogu sameyn lahaa.

“Laba maalin kahor ayuu guriga ka tegay, hal maalin marka uu maqnaadayna waxaa loo sheegay qolada amniga,” ayuu markale yiri guddoomiye hore Maxamed Mursal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More