Deg deg: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax Ismiidaamain ah oo ka dhacay Muqdisho

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

July. 14 (Jowhar.com)-Faah faahino dheerada ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo imsiidaamin ahaa oo goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay warshada caanaha, waxaana fuliyay ruux isa soo miidaamiyay, kaasoo beegsaday halka loo yaqaano guryaha saraakiisha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen sarkaal ka tirsan wasaarada gaashaandhiga iyo laba askari oo ilaalo u eehyd, waxaana jiro tiro intaasi kabadan oo dhaawcayo ah.

Maqaaxi ay galbihii fariistaan askar iyo saraakiil ciidan ayaa la tilmaamay inuu beegsaday qofka is qarxiyay oo watay jaakado ay ka buuxaan walxaha qarxa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More