DEG DEG: Taliyihii booliska Soomaaliya Jen. Xijaar oo xilkii laga qaaday.
Jan. 26 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday taliyihii booliska Soomaaliya Jeneeaal Cabdi Xasan Xijaar.
Golaha wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska u magacaabey General Sulub Axmad Firin.
Sulub Axmad Firin ayaa hadda hayey xilka wasiir ku Xigeenka wasaarda duulista hawada dowlada Federaalka ah, waxayna saami qeybsi hoosaad wadaagan Raysalwasaare Xamse.
Jeneraal Xijaar oo xilka soo hayay saandihii la soo dhaafay ayaa qeyb ka ahaa taliyayaashii ugu dhawaa madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo dhowr jeer qaaday talaabo uu xukunka kusii joogayo Farmajao, walow ay dhicisoobeen isku dayadaas.
Wixii ka danbeeyay 15-kii May oo isbedel dalka uu ka dhacay, waxaa la hadal hayay in xilka laga qaadi doono Jeneraal Xijaar.