Deni iyo Qoor qoor oo ku heshiiyay Afar qodob
Sep 13 (Jowhar) MAdaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug oo xalay shir aan caadi eheyn ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ka wada hadlay skaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada.
Shirkan ayaa laga soo saaray Afar qodob oo ay heshiis ku gaareen Siciid Deni iyo Axmed Qoor qoor.
Labada madaxweyne waxa ay sidoo kale isla soo qaadeen xal u helida dagaalada dhanka beelaha ee mudooyinkan sida xooggan uga socday gooblka Mudug
Halkan hoose ka akhriso heshiisma Deni iyo Qoor qoor;
1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.
2-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday.
3-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato.
4-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo.