Deni oo digniin culus u diray madaxweyne Xasan iyo madaxda dowlad goboleedyada
Sep 21 (Jowhar) Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ugu baaqay Madaxweynaha JFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay ilaaliyaan wixii heshiiska lagu ahaa.
Deni Waxaa uu ka digay in Soomaaliya aan dib loogu celin shirarkii Dib u heshiisiinta sida kii Carte oo kale.
Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran” ayuu yiri.
Hadalkan dabacsan kasoo baxay hoggaamiyaha Puntland ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad meel xun gaartay oo maamulkiisa kala dhexeyso dowladda federaalka, taas oo illaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah