Deni oo gudoomiyay kulan ku saabsan amniga magaalada Gaalkacyo
Aug 14(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Puntland ee gobolka Mudug.
Kulanka oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, dib-u-habeynta Ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Amniga iyo bulshada.
Deni ayaa saraakiisha amniga ka dhageystay warbixinta xaaladda amniga ee magaalada iyo cabashooyinka ay qabaan.
Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Dowladda Puntland.