Deni oo la kulmay wafdi ka socday Galmudug oo waday taakulada ciidanka dagaalka kula jira Daacish
Feb 17(Jowhar)Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socday Galmudug kuwaasi oo taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka Argagixisada Daacish ka sifeynaya Puntland, waxayna Wafdiga Galmudug taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen shalay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay Ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo.