Deni oo sheegay iney ku biirayaan dagaalka Laascaanood hadii SSC ka dalbato

Mar. 06 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb ka ahayn dagaalka magaalada Laascaanood ka socda.

Wuxuu sheegay in dadka reer Laascaaood loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ay tahay arrintaa in waqtigeeda laga xisaabtamo.

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan mus-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli saaka markale uu  Magaalada Laas-Caanood ka billaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay sheegto in aysan ku lahayn dagaalka muddaba bisha ku dhow ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More