Deni oo si adag uga falceliyay talaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya

Feb 26  (Jowhar)Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni oo ka hadlayay khariirada ay sii deysay dawladda Faderaalka ayaa ku sifeeyey ficilada MAP-ka la baahiyey ee katimid DFS in ay muujinayso, hurinta colaado iyo dhiilo cusub, gaar ahaana gobalka Mudug, taas oo uu ka digay.

Puntland & Galmudug ayuu sheegay in aysan jirin xaduudo ay ku muransan yihiin, oo ay yihiin dad deris ah oo ka wada shaqeeyo daganaanshaha gobalka Mudug.

Si kastaba, Dawladda Soomaaliya ayaa Khariiradan daabacday, waxayna deegaanada Waqooyiga gobalka Mudug, gobalka Sool iyo Sanaag ugu yeertay deegaano lagu muransan yahay, oo ay maamulo isku haystaan.

Map-ka oo ah kan shalay loo isticmaalay Markabka Turkiga, ayaa muujinaya aragtida madaxda DFS ay aaminsan yihiin, Sool iyo Sanaag ayaa lagu sheegay dhul ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland, halka Waqooyiga Mudugna la sheegay in ah isku haystaan Puntland Iyo Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More